Wasaaradda Gaadiidka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kulan la qaadatay gaadiidleyda Magaalada kismaaayo si loo dhaqangeliyo amarkii ay soo rogtey Wasaaradda gaadiidka ee ay ku mamnuucdey gadiidka BL-ka ah ee dhinaca bidixda ku leh Al-Baabka.
Inta badan gaadiidka dadweyanaha ee loo yaqaano BL-ka ku waaso ka howlgala  gudaha magaalada Kismaayo ayaa dhinaca bidixda ku leh al-baabka taasi oo ay ka dhalatey in waxyeelo gaarto dadweynaha isticmaala gaadiidka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in jubbaland Go’aankaas ay soo saartay bartamahii bishii labaad ee aan soo dhaafnay laakin taasi aysan dhaqan gelin.
Waxa uu sheegay in mudada la cayimey waxii ka danbeeya ay bilaaban doonaan howlgallo lagu soo qabqabanayo gaadiidka u hogaansami waaya awaamiirta Wasaaradda Gaadiidka Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Hoos ka Dhageyso Codka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland.