11 Bishaan mudo todobaad ka hor waxa soo baxday Wareegto lagu Magacaabay Masuuliyiin ka mid noqonaya Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada Gamboole oo Xubno Cusub loo Magacaabay .
Hadaba waxaa jirtay isdabamarin iyo Magacayda dadka loo Magacaabay degmada Gamboole ee Galbeedka Magaalada Jowhar,isla markaana uu qeyb ka ahaa wiil 16 jir ah oo Magaciisa lagu sheegay Feysal C/llaahi Cumar kana mid ahaa Ardayda waxka barta iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee magaalada Jowhar.
Xildhibaan Cali Cusmaan Ibarahim( Cali Ciileey) oo ka mid ah Baarlamaanka Shabeelle kana s oo jeeda degmada Gamboole ayaa sheegay in siqaldan Magacaabistaas ay Magacyada iskudaba mareen,isla markaana haatan dib loo saxayo.
Waxa uu sheegay in Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada degmada Gamboole shaqsiga loo Magacaabay uu yahay Cabdullaahi muxumad Cali laakin lagu qalday Feysal C/llaahi Cumar.
Arrintaan ayaa ayaa ku aadeysa xili Wiilka lagu Magacaabo Feysal C/llaahi Cumar kana mid ah Ardayda waxka barata Iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee magaalada Jowhar uu sheegayay in xilkas isaga oo aan ogeyn loo Magacaabay xilkaas.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkan oo uu Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi.