Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen(Guudlaawe) ayaa ka hadlay xiisada colaadeeda ee beelo walaalo u dhexeysa kana taagan deegaan hoostaga magaalada Baladweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan kadib Shir Jaraa’id uu maanta u qabtay War-fidiyeenada.
Cali Guudlaawe, ayaa labada dhinac ee xiisada dirirta u dhexeysa u jeediyay in ay aqbalaan in lawada hadlo dagaalkana lagu dhameeyo gogol nabadeed si ay u yaraato khasaare ka dhasha dagaal mar kale dhaxmara beelaha walaalaha ah.
Tan iyo markii ay bilaabatay xiisada dagaal ee ka taagan deegaanka hoostaga baladweyn ayaa wax garadka iyo Culuma-udiinka ayaa waxa ay jeedinayeen baaqyo  ku aadan in lagu dhameeyo xiisadan wada hadal nabadeed.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cali Guudlaawe