Al-Shabab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay ciidmada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Bariire oo k tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose
Al-shabaab ayaa weerarka ku bilaabay laba baabuur ismiidaamin ah oo ay ku qarxiyeen mid ka mid ah dhowr albaab oo laga galo xerada ciidamada  oo ku taala duleedka galbeed ee Bariire.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in muddo laba saac ku dhow ay socotay rasaasta culus ee qoryaha darandooriga u dhaca, hoobiyeyaal iyo gantaalada garbaha laga tuuro.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha, Ibrahim Aden Najah, ayaa  sheegay in ciidamada dowladda ay iska caabiyeen weerarkii 1aad, hase yeeshee Al-Shabaab ay ku soo qaadeen weerar labaad kaasoo dhaliyay dagaalka xooggan.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa tirada dhimashada askarta dowladda gaarsiineysa 15 askari.
Bariire ayaa u jirta magaalada Muqdisho 47 km dhinaca koonfur Galbeed waxaana ciidamada dowladda oo gacan ka helaya, la taliyeyaal Mareykan ah ay qabsadeen magaalada bishii August ee la so dhaafay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysi ay la yeelatay Idaacadda Voa,da