Amarkaan ayaa ka soo baxay Gudoomiyaha Maamulka gobolka Karkaar Puntland Cabdullaahi Maxamed Barre Caato oo maanta Warbaahinta shir Jaraa’id ugu qabtay Xafiiskiisa.
Gudoomiyaha ayaa marka hore sheegay in amniga Guud ee gobolka Karkaar uu haatan yahay mid wanasagan taasina ay ku timid Wadashaqeynta Shacabka iyo Maamulka.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa uga digay dadka caadeystay qaadashada qoriga bilaa sharcidarada ah ee magaalada lala dhexmaro ay talaabo ka qaadi doonaan ciidamada amniga sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gudoomiyaha Gobolka Karkaar.