Maamamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dagaalkii shalay Gudaha Saldhiga Baladweyne ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Sarlkaas sheegay in loosoo magacaabay taliyaha Saldhiga Booliiska Baladweyne.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqoow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maleeshiyaadka uu wato Ninka isku sheegaya ay talaabo ka qaadi doonaan sidhaqso ah sida uu hadalka u dhigay.
Waxa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray in ay dhamaan la xiriireen talisyada Ciidanka Booliiska Soomaaliya sigaar ah taliyaha Ciidanka Booliiska islamarkaana wax qoraal ah oo ay u soo gudbiyeen uusan jirin kaas oo ku saabsan magacaabista Ninkaan sheegtay taliyaha Ciidanka Booliiska Degmada Baladweyne.
Shalay ayay aheyd markii dagaal kooban gudaha Saldhiga Baladweyne uu ku dhex maray Ciidamo kuwa Maamulka Gobolka hiiran ah iyo kuwo uu watay Sarkaalka sheegtay in Saldhiga loo soo magacabay oo lagu magacaabo Xalane xeroow wallow daagalkaas uusan khasaaro ka dhalan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan