Maalmihii u dambeysay waxaa socotay hadalheyn ku aadan in Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdulalahi Cosoble ay jiraan Xildhibaano ka wada mooshin kadib markii uu Magacaabay degmooyin cusub oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Cali Noor Dabaashe ayaa sheegay in aan loo baahneyn xiligaan in la keeno Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Cosoble.
Waxa uu tilmaamay in Degmooyinka Cusub ee Gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo  yar  loona baahan yahay in la sii Kordhiyo sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka
.