Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa ka hadlay dilalkii ugu dambeeyay ee Maanta ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho.
Gudoomiye Tuulax oo warbaahinta kula hadlay Daljirka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay Taaladda Daljirka Daahsoon ku dilen Nin ka tirsanaa Al-shabaab,kaasi oo isku dayay in uu toogto Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo xiligaas ku sugan Daljirka,blase askari kale ayaa dilay.
Sidoo kale Tuulax ayaa u mahadceliyay Ciidanka Booliska iyo askarigii dilay Ninka hubeysnaa  oo watay Bastoolad iyo Shacabkii ka qeyb qaatay in la qabto Ninkaas,isagoo sheegay in la xiray qaar kamid ah dad aqoonsaday Ninka la dilay,isla markaana ay baaritaano ay ku socdaan.
Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay Dil Maanta Suuq Bacaad loogu geytay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska oo xiligaas ku sugnaa gudaha Suuqaas.
Waxa uu sheegay Gudoomiye Tuulax in laamaha amniga dowlada ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaaan Ninkii ka dambeeyay falka dilka ah ee loo geystay askariga ka tirsanaa Ciidaka Booliska Soomaaliyeed,wuxuuna u mahadceliyay laamaha amniga dowlada.
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye Tuulax.