Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay isqabqabsi la sheegay in uu u dhaxeeyay Maamulka Gobolka hiiraan iyo kan Magaalada Baladweyne kaas oo ku aadanaa isqabqabsi deeq gargaar ah.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada Maamulka Gobolka hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in deeqdaas laga helay ama ay bixiyeen Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Itoobiya taas oo la isku fahmi waayay qaabkii loo bixin lahaa.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Wararka qaar ay War-Baahinta Buunbuuniyeen uusan waxba ka jirin kaas oo ugu dambeen waaxda arimaha Bulshada ee maamulka Gobolka Hiiraan ay dejisay qorsho cad oo ugu dambeen la qeybiyay raashinkii.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka