Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin Guud ka bixiyay xiisadii ku aadaneed diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga taas oo horay uga jirtay Gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo Wareysi siiyay Radio Dalsan xarunta Muqdisho ayaa sheegay in xiisadaas haatan xal buuxa laga gaara islamarkaana buuqii iyo banaanbaxyadii ka jiray Baladweyne la xaliyay
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in lacagtii hore oo ay dadka Ganacsatada ah diidanaayeen gebi ahaanba la joojiyay islamarkaana hada dadku ay sicaadi ah u isticmaalaayaan lacag kaga timid dhinaca dowladda Soomaaliya.
Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in Maamulka gobolka Hiiraan uu garwaaqsaday in aysan wanaagsaneyn in Ganacsatada uu ku qasbo isticmaalka lacagta ay diidanaayeen islamarkaana taasi ay dhalineysay fowdo ka dhacda Magaalada Baladweyne.
Degmooyin farabadan oo dalka ah ayaa waxaa weli ka taagan diidamada qeyb ka mid ah lacagta Shilinka Soomaaliga ee lagu soo sameeyay deegaanada Maamulka Puntland,waxana taasi ay dhalisay in ay dhacaan dibadbaxyo rabshado wata.
Hoos Ka Dhageyso Codka