Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit cabdi Maxamed ayaa kulan u la qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM Ganaraal Subagle.
In kastoo qodobo dhowr ah ay ka mid ahaayeen waxyaabihii ay ka wada hadleen ayaa ahdana waxaa qeyb ka ahaa sidii AMISOM lagula xisaaabtami lahaa shilalka khasaaraha dhaliya oo mararka qar ay geestaan Gawaarida Ciidamada AMISOM.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo kulanka kadib hadlay ayaa sheegay  in waxyaabihii ay ka wada hadleen ay ka mid ahaayeen in AMISOM lagala xisaabtam doono hadii ay shil geestan waxna laga qaban doono.
Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa xili mararka qaar Gawaarida ciidamada AMISOM ay sibareer ah u jiireen dadka Shacabka ah isla markaana ay ka cararaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.