Taliyaha qeybta ilaalinta Wadooyinka dowlad Goboleedka Galmudug Daahir Caseyr oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in deegaanada Galmudug laga mamnuucay gawaarida aan laheyn sharciga gaadiidka ee xiligaanka  Shaqeeya deegaanada Galmudug
Taliyaha ayaa waxa uu tilmaamay in gaadiid aan laheyn sharciga gaadiidk uusan ka dhex Shaqeyn Karin deeganada galmudug laga bilaabo Maalinta Berito ah oo Isniin ah kuna beegan 15/1/2018.
Ugu dambeyn waxa uu  ugu baaqay wadayaasha gadiidka in ay sameestaan warqada ruqsada gaadiidka si ay ugu Shaqeystaan sinabad ah.
Ciidmada ammaanka deeganada galmudug ayaa waxa ay sheegeen in ay dhankooda bilaabi doonaan howlgal ay ku fulinayaan amarka ka soo baxay taliyaha qeybta ilaalada Wadooyinka galmudug ee tarafikaada loo yaqaano.
Hoos  Ka Dhageyso Codka Taliyaha.