Kadib howlgal xalay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka sameeyeen degmada Awdheegle kaas oo la sheegay in lagu soo qabtay Saraakiil ka tirsanaa Shabaab ayaa hadana waxa jira kuwa kale oo baadi goob lagu haayo.
Masuuliyiinta Maamulka gobolkaas ayaa waxa ay sheegeen in weli howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka socdo gobolkaas,ila markaana ay baadi goob ku hayaan Saraakiil Saresare.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo howlgalkii xalay kadib la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in ay hayaan xogta Saraakiil kale,isla markaana uu socdo qorshihii lagu soo qaban lahaa.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga gudoomiye ku xigeenka oo dhameystiran.