Maamulka degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool isla markaana dibad joog ka ah degmadaas ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada dadka ku nool degmadaas oo ay haatan Gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Gudoomiyaha degmada Tiyeegloow Maxamed Cabdulla Food-Cadde ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan Shacabka degmadaas oo uu sheegay in loo geysto dhibaatooyin isugu jira dhac iyo jirdil sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay aad uga xun yihiin falalka lagula kacayo shacabka degmada Tiyeegloow isla markaana haatan u socdo diyaar garoow ku aadan n mudo Halsano iyo Bar kadib ay degmadaasi la wareegaan.
Majiraan warar madax banana oo xaqiijinaya warka ka soo baxay Maamulka dibad-jooga ah ee degmada Tiyeegloow kaas oo ku aadan in Shacabka degmadaas ay  Al-Shabaab dhac iyo jirdil ku hayaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha degmada Tiyeegloow.