Gudoomiyaha Degmada Buulo-Burde  ee Gobolka Hiiraan C/raxmaan Daahir Guure ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono howlgal lagu furaayo Wadada isku xirta  Baladweyne iyo Buulo-Burde oo ay go’doomiyeen Al-shabaab.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha inay diyaarsan yihiin Ciidamada lagu talagay in qaadaan howlgaladaasi,isla markaana dhawaan la bilaabi doono howlgalka ka dhan Al-shabaab.
Gudoomiyaha Degmada Buulo-Burde  ee Gobolka Hiiraan C/raxmaan Daahir Guure oo la hadlay Dalsan ayaa tilmaamay in Shirka looga hadlaayo amniga deegaanada Hirshabeelle ee ka socda Baladweyne qodobada kasoo baxa Rajo wanaagsan ay ka qabaan,wuxux sheegay in isbadal dhanka amniga ah uu ka dhici doono Degmada Buulo-Burde  iyo deegaanada hoostaga.
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in Gancsiga Buulo-Burde  uu yahay mid liito,taasina ay sabab u tahay Wadada isku xirta Baladweyne iyo Buulo-Burde oo ah mid xiran
Hoos ka dhageyso Codka Guddoomiyaha Degmada Buulo-Burde Â