Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn ka dhacday deegaano hoostaga degmada Baraawe,taas oo la sheegay in lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Gudoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose Aadan Cumar Madoobe ayaa sheegay in duqeyntaas laga fuliyay deegaanka Kuunya Baroow ee gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana lala beegsaday Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid duqeyn Cirka ah oo ay fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dalka mareykanka,iyada oo lagu dilay Sarkaal dhanka Askareynta Caruurta u qaabilsanaa Al-Shabaab oo Magaciisa lagu sheegay (Abuu Xudeyfa)
Sikstaba Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa bilihii u dambeeyay ka dhacayay duqeymo kala duwan,iyada oo War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Mareykanka lagu xaqiijiyay weerarkaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha