Gudoomiyaha Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur (Furdug) oo ka hadlayay dhibaatada ka jirta degmadiisa ayaa sheegay in ay heysato Saddex dhibaato Shacabka degmada kuwaas oo u baahan in laga gudbo.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Shacabka ay markii hore heystay Isbitaal la’aan maadaama degmadu aysan laheyn Isbitaal sidoo kale Wadooyinka soo gala degmada ay burbursan yihiin xiligaana ay ugu darsantay amnidaro maadaama Al-Shabaab ay weeraro ka geystaan meelo ka mid ah degmada Balcad.
Waxa uu sheegay Gudoomiye furdug in ay muhiim tahay in arrimahaas oo dhan wax lga qabto si Shacabku ay u helaan baahiyahooda.
Wasiirka Amniga oo uu shalay Balcad ku soo dhweeyay ayaa sheegay in dhibaatada  amnidaro ee ka jirta tuulooyinka hoostaga degmada Balcad wax badan laga qaban doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Furdug).