Guddoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur (Furdug) ayaa ka hadlay xaalada amni ee ka jirta Wadada xiriirisa degmada Balcad iyo Magalada Jowhar.
Waxa uu sheegay Guddoomiye Qaasim in Al Shabaab tuulooyin qaar ay ka joogaan inta u dhaxeeysa Balcad iyo Jowhar,wuxuuna tilmaamay in dhawaan laga saari doono gacan ku heynta tuulooyinkaas,isagoona ku dhawaaqay howlgal laga fulinaayo Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar.
Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Furdug) ayaa sidoo kale sheegay Al Shabaab ay dhibaato ku hayaan dadka ku nool Deegaanada hoos yimaada Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dhinaca kale waxa uu tilmaamay Guddoomiyaha in Al Shabaab aysan weerar ka soo qaadin deegaanka Basra oo ay ka yimaadan dhulal kale,isagoona sheegay in dabagal ay ku hayaan.
Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca weerar jid’gal ah oo Al Shabaab ay la beegsadaan mas’uuliyiinta ku socdaala wadadaasi,iyadoona lagu dilay wadadaasi weerar ka dhacay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.
Hoos ka dhageyso Codka Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim (Furdug)