Maamulka deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho ayaa ka cabanaya faragelin ay sheegeen in ay ku hayaan masuuliyiin ka tirsan maamulka degamd Deeyniile ee Gobolkaan Banaadir.
Gudoomiyaha Arimaha Bulshada deegaanka Garasbaaleey C/laahi Cabdi Maxamuud oo la soo xiriiray Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in gudoomiyaha degmada deeyniile ay ka tabanayaan eed ah in uu deegaanka Garasbaaleey ka mid yahay Waaxyaha ay ka kooban tahay degmada deeyniile.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in iyagu ay yihiin deegaan islamarkaana taasi ay Sharci ahaan u hestaan,islamarkaana gudoomiyaha degmada Deeyniile uu faragelin ku haayo deegaankooda.
Waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay arintaan faraha la soo galaan islmarkaana ay ka qabtaan Ninkaas faraha kula jira Shaqadooda sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka