Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa soo dhaweeyay codsi ka yimid Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi(Cosoble) kaas oo ahaa in degmada Balcad ay martigeliso kulan Maamul loogu sameynayo Gobolka Baanadir.
Gudoomiyaha Cusub ee degmada Balcad Cismaan Xaadoole,ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in kulankaas ay martigeliyaan reer Balcad islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay dhan walba uga qeyb qaataan sidii kulankaas uu u hirgeli lahaa.
Hadalkaan ayaa Gudoomiyaha degamda Balcad waxa uu ka sheegay Banaanbax lagu taageerayay Warka ka soo baxay Cali Cabdullaahi (Cosoble) Madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle kaas oo shalay ka dhacay Gudaha Degmada Balcad ee Goblka Shabeellaha Dhexe.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa jiray Cabasho ka imaaneeysa Odayaasha iyo waxgaradka ku nool gobolkaan Banaaddir kuwaas oo sheegayay in meel lagu tuuray Maqaamkii uu lahaa Gobolka Banaadir
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Xaadoole.