Gudoomiye ku xigeenka arimaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Xuseen Cabduullaahi Xalane ayaa eed dusha kaga tuuray sarkaalka hogaamiya ciidamada Ethopia ee ku sugan magaaladaasi.
Gudoomiye ku xigeenka oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in sarkaalkaasi ay wada shaqeyn waayeen maamulka degmada Baardheeree, islamarkaana uu dhibaata ka dhaxwado Bulshada dagan magaaladaasi,waxaa uu sheegay in faragalin uu ka hayo maamulka,maxkamadda,waxa uu doonana ka sameesto magaalada.
Xuseen Cabduullaahi Xalane ku xigeenka arimaha ee magaalada Baardheere ayaa tilmaamay in qudhiisa xitaa mar uu xiray,islamarkaana uusan ogeyn sharciyadda uu u maray xarigaas iyo waxa keenay.
Halkaaan hoose ka dhageyso Codka.