Maxamed Cabdulalahi Farmaajo,Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay dowladda Cusub ee Sooamaliya ee uu hoggaamiyo mudadii dhowrka Bilood aheyd o ay jirtay.
Madaxweyne Farmaajo,ayaa soo bandhigay ilaa ku dhawaad 10 Qodob kuwaas oo uu sheegay in inta badan ay ku guuleesteen.
1:- joogteynta Mushaaraadka Hay’adaha dowladda sida Baarlamaanka Xukuumada, Madaxda amniga iyo Shaqaalaha Rayidka.
2:- Ka guul gaarida xakameynta Hubka Sharcidarada ah ee lagu watay muqdisho qaadista Jidgooyooyinka lagu dhibaateynayay Shacabka Soomaaliyeed.
3:- Guulo laga gaaray shirarkii Caalamiga ahaa sida shirkii London,kaas oo lagu guuleestay qorshaha Horumarinta Qaranka.
4:- Xoojinta iyo wadashaqeynta Madaxda maamul goboleedyad dalka kajira.
5:- Dib u hanada Saxiixa kuwa deeqaha ku bixiya Magaca Ummadda Soomaaliyeed awoodaas oo ka maqned Gacanta dowladda.
6:- Dib usoo celinta in uu Shaqeeyo xili habeen ah Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho iyo hagaajinta duulimaadayada tooska ah ee Muqdisho ilaa Nairobi.
7:- Dhamestirka dib u hanashada Maamulka Hawada Sooamaliya ka hor dhamaadka Sanadkaan oo la rajeynayo in Gacanta dowladda ay soo gasho.
8:- Guul ka gaarista in ay hehsiis la galaan dhowr Wadan oo ay ku xiran yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed si ay xuriyadooda u helaan.
9:- Dib u habeenta qabka loo maareeyo dhaqalaha soo gala dowlada Federaalka Soomaaliya.
10:- Qamsoomida Shirar gogol xaar u ah dib u heshisiinta dahbta ah ee uu dalkeena u baahan yahay.
Hoos Ka Dhageyso Codka