Waxaa Maanta mudo Lix maalmood kadib ah la aasay dadkii lagu dilay 25,kii Bishaan weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kuwaas oo gaaraya ilaa 10, Ruux.
Meydadka dadkaan ayaa yaalay mid ka mid ah Garaashyada ku yaalla Magaalada Muqdisho kadib markii Ehelada dadkaas ay shaaciyeen in aan la’aasi doonin ilaa dowladda ay ka cadeyso cidii dishay dadkaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa Guddi wasiiro ah u magacaawday in ay baaritaan dhab ah ka keenaan sababta ka dambeysa in dadkaas la laayo,iyada oo Maanta ay ku egtaahay waqtigii loo qabtay Guddiga.
Aaska waxaa ka qeybgalay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,oo uu ka mid yahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow,waxa ayna sheegeen in heshiis dhex maray dowladda iyo Ehelada dadkaasi Maanta suurtagashay in la Aaso.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaanada ka qeyb galay Aaska.
Â