Arrintan ayaa timid kadib markii Bajaajta iyo gaari nooca Booyada qaada ay isku dhaceen xili ay marayeen Taalada daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.
Waxaa shilkaas uu dhaawac ka soo gaaray Wadihii Mooto Bajaajta iyo mid ka mid ah laba Ruux oo Bajaajta saarneyd halka ruuxii kale uu ka booday.
Dhaawaca labada qof ayaa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho sida uu Radio Dalsan u sheegay mid ka mid ah Darawalada Bajaajta shilkaasna Goobjoog ka ahaa isla markaana qaaday dhaawacyadii.
Waxa uu sheegay in labada Ruux ee dhaawacantay ay ahaayeen Arday Jaamacadeed,halka Darawalkii iyo Booyadii shilka geysatay ay la wareegeen Ciidamada Taraafikada.
Hoos Ka Dhageyso Codka iyo kana Daawo Sawirrada.