Dagaal u dhaxeeyay laba Maleeshiyo Beeleed ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe dagaalkaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana inta badan halkaasi ku dagaalamayay laba Maleeshiyo Beeleed oo kala ahaa xoolaley iyo Beeraley sida uu Dalsan u sheegay Yuusuf Axmed Yalaxoow oo ka mid ah Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in dagaalkaas uu masuul ka yahay Genaraal Sheegoow oo ka mid ah Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya in mid ka mid ah dadka dagaalamaya la saftay.
Waxa uu sheegay in Hubkii iyo Gaadiidkii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya loo adeegsaday dagaalkaas sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale waxaan isku daynay in aan la xiriirno General sheegoow si aan wax uga weeydiino eedeynta loo jeedinaayo balse nooma suurtagelin.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka oo dhameystiran.