Maanta ayaa waxaa dagaal uu ku dhexmar Goob Ganacsi oo ku taalla Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho Koox burcad ah iyo ilaalada Goobtaasi Ganacsi.
Kooxda Burcada ayaa iskudayay in ay dhacaan Bakhaar lagu Iibiyo Alwaaxda iyo qalabka kale ee dhismaha oo ku yaallo degmada Wartanabada balse taasi ay ka diideen ilaaladii waxa ayna sababtay in uu dhex maro dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Inta la xaqiijiyay 2 ruux oo kala ahaa Kooxdii Burcada iyo ilaaladii Goobta Ganacsi ayaa Goobta ku geeriyoodeen sida ay dadka deegaanka Dalsan u sheegeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa Goobta gaaray kuwaas oo Gacanta ku dhigay laba ka mid ah kooxihii Burcada ahaa halka ay goobta ka soo qaadeen meydka labadii ruux ee geeriyootay.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay Kooxaha Burcada ay ka koobnaayeen ilaa Saddex ruux mid ka mid ah uu geeriyooday halka labadii kale ay ciidamada Amniga Gacanta ku soo dhigeen kuwaas oo hadda ku jira Xarunta dembi-barista ee CID-da.
Waxa uu Gudoomiye Yariisow isaga oo sii hadlayay u digay kooxaha burcada ay e iskudayaya in ay dhacaan hantida shacabka Soomaaliyeed.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.