Ra’iisul wasaaraha Dowlada Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka maamulka Gobolka Benaadir oo looga hadlayay Amniga Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayay Nadaafada iyo sida uu maamulka Gobolka Benaadir ugu diyaar garoobay Munaasabada Ciidul Fidriga waxaana ra’isul wasaaraha kulanka ku wehlinayay Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa  Warbaahinta faah faahin ka siiyay qodobadii ka soo baxay shirkaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka