Xarunta Madaxtooyda Mamulka Soomaaliland ee Magaalada Hargeysa waxaa Maanta kulan ku yeeshay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dowladda Ingiriiska iyo Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Kulanka ayaa labada Masuul waxa ay uga wada haleen arimo dhowr ah,oo ay ka mid ahaayeen Siyaasada,dhaqaalaha,doorashooyinka iyo sidii loosii xoojin lahaa xiriirka dhaxeeya dowladda Ingiriiska iyo Maamulka Soomaaliland sida uu Warbaahinta kulanka kadib u sheegay Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire.
Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka in Soomaaliland ay joogaan Muwaadiniin farabadan oo u dhashay dalkaas islamarkaana uu ka mid yahay Wadamada sida weyn u caawiya Soomaaliland.
Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb David Concar, ayaa iska sheegay in ay siiwadi doonaan garab istaaga Soomaaliland islamarkaana Mashaariic horumarineed ka fulin doonaan gudaha Soomaaliland.
Hoos Ka Dhageyso shirka Jaraa’id