Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay ku xigeenada cusub ee maamulka gobolka Bnaadir,kadib munaasabd ka dhacday xarunta maamulka Gobolka.
Munaasabada xil wareejinta waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo kula dardaarmay masuuliyiinta cusub inay la yimaadaan wax qabad muuqda.
Waxaa shalay lamagacaabay ku xigeena cusub, iyadoo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee arrimaha amniga iyo siyaasada loo magacaabay Saalax Sheikh Maxamed kaasi oo maanta xilka kala wareegay Maxamed Axmed Diiriye oo horey u soo hayey xilkan.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee maamulka iyo maaliyada ayaa markii ugu horeysay shalay waxaa loo magacaabay Gabar, Marwo Muluuka Dheere Cabduqaadir, taasi oo maanta kala wareegaty xilkaas Isamciil Macalin Cabdi Guure oo in mudo ah ahaa ku xigeenka maaliyada
Guudoomiye ku xigeenka Afaraad ee howlaha guud waxaa shalay loo magacaabay Aadan Sheikh Cali Fiidow, oo maanta xilkiisii la wareegay, iyadoo xoghayihii maamulkana Subeyda Maxamed Mukhtaar ay maanta xilka kala wareegtay xoghayihii hore.
Halkaan ka dhageyso Codadka.