Saacadihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Bakool waxa uu dagaal saacado badan qaatay ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa Muqtaar rooboow iyo Al-Shabaab.
Dagaalka oo intiisa badan ka dhacay deegaanada Abal iyo siinaley ee Gobolka Bakool ayaa geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed  Nuuradiin Gacmo oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in dagaalkas ay qaadeen Ciidamada  Muqtaar Rooboow isla markaana Al-Shabaab looga dilay ciidamo hub farabadana lagu qabsaday sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in howlgalladaan ay noqon doonaan kuwo sii socda isla markaana ay siwadajir ah u fulin doonaan Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa daacada u ah Wadaadka Muqtaar Rooboow.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Afhayenka oo dhameystiran