Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Sarkaaal ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Ciidamo uu watey oo la sheegay in uu isku dhiibay iyo kuwo kale oo ay wadahadalo kula jiraan.
Afhaayeenka Maamulka koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma oo wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in Sarkaalka isku dhiibay lagu Magacaabo Cadoow,isla markana uu watay Ciidamo aad u farabadan,laakin uusan faah faahin tirada Ciidamada u watay Sarkaalka.
Waxa uu sheegay Afhayeenka in markii laga soo tago Sarkaalka isasoo dhiibay in ay weli jiraan Saraakiil kale oo wadahadalo kula jiraan kuwaas oo uu sheegay in ay dhawaan dhankooda ku soo biiri doonaan.
“Runtii markasta waxad maqashan sarkaal ayaa isasoo dhiibay laakin waxaa jira ciidamo mar walba ku soo biiray dhanka maamulka koonfur galbeed xaqiiqdii taasi waxa ay yareysay qaarxyadii iyo weeraradii markasta ka dhici jiray deegaannada maamulka koonfur galbeed ayuu yiri Afhayeen Nuuradiin Gacmaâ€
Waxa uu sidoo kale sheegay in weli ay jiraan saraakiil iyo dgayaalyahano ku dhuumaaleysanaya degmooyin ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool laakin uu rajeynayo in dhawaan ay dhankooda ku soo biiraan.
Sikastaba weli wax war ah kama soo bixin dhanka Al-Shabaab ee ku aadan in sarkaal ka tirsan ciidamadooda uu isku dhiibay Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Afhayeenka oo dhameystiran.