Maalinta Berito ah waxa uu qorshuhu yahay in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirweyne Qaran oo lagu daah furayo dhameystirka Dastuurka kaas oo ay ka qeybgalayaan Wasiirada ka kala socda Maamul goboledyada iyo Masuuliyiinta Wasaarada Dastuurka Soomaaliya balse waxaa shirkaasi qaadacay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Koonfur Galbeed aysan diyaar u aheyn xiligaan in ay  ka qeybgalaan shirkaas.
“Runtii  qorshuhuu waxa uu ahaa inaan ka qeybgalno shirkaas balse Maamul goboledyada aan anaga ka mid nahay wasaarada Dastuurka waan ku wargelinay inaana imaaneyn shirkaas ilaa iyo inta xal laga gaarayo xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda iyo xalinta cabasho ka timid Sanoterada laga soo doortay Xarumaha Maamul goboleedyada ayuu yiri Wasiirkaâ€
Sidoo kale waxa uu sheegay in Shanta Maamul goboleed oo ka maqan shirkaas in ay dowladda qabato in uusan muhiim u aheyn waxyaabihii ka soo baxa.
Wariye Axmed Xusen Cadoow oo wareysanayay ayaa weyydiiyay Su’aal aheyd waxa iska galay xiisada Siyaasadeed e u dhaxeysa Maamul goboleedyada iyo dowladda iyo Shirka Dastuurka ayaa waxa uu ku jawaabay.
“Wax ayaa iska galay waayo Dastuurka ma ahan mid muqdisho kaliya loo sameynayo balse waa mid Soomaaliya oo dhan ka dhaxeeyo balse waxaa muhiim ah in Soomaaliya oo mid ah in ay ka wada qeybgasho Shirweynaha  Qaran oo lagu daah furayo dhameystirka Dastuurka ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliyaâ€
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka oo dhameystiran