Maalmihii u dambeeyay waxaa ka taagnaa Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomliland,khilaaf ka dhashay doorashadii gudoomiyaha Golaha wakiilada ee maamulkaas,waxana guud ahaan Maanta la soo gabagabeeyay khilafkaas.
Mudanayaal ay ka mid yihiin guddoomiyihii hore ee xilka banneeyay ee golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, guddoomiyaha cusub Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ayaa xaqijiyeen xal ka gaarista arintaan.
Magalada hargeysa ayay Maanta warbaahinta siwadajir ugu sheegeen in khilaafkaas lagu soo afjaray in guddoomiyaha rasmiga ah ee golahaasi yahay Baashe Maxamed Faarax.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id