Cusmaan Barre Maxamed Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay waxa ka jira khilaaf la sheegay in uu ka dhexjiro Xildhibaanada Maamulkaas.
Waxa uu sheegay xili uu Warbaahinta la hadlayay in warkaas uu yahay mid been abuur ah islamarkaana xildhibaanada Hir-Shabeelle ay yihiin kuwo mid ah,qaarkoodna ay yihiin Wasiiro ka tirsan Hir-Shabeelle.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhamaan sidoo kale ay ka mideysan yihiin xilka qaadistii lagu sameeyay Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.
Gudoomiye Cusman Barre Maxamed ayaa haatan ku sugan Gudaha Magaalada Muqdisho kaas oo la filayo in uu maanta la kulmo Madaxda ugu sareys dalka.
W/Q/ Cabduqaadir Jakaarta
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha