Waxaa soo baxaya khilaafka u dhaxeeya gudiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil kadib Warqad ay habeen ka hor ay soo saareen Gudiga.
Gudiga Dib u eegista dastuurka labada Aqal ayaa shaaciyay in Wasiirka dastuurka uu la wareegay Shaqadii Gudiga,iyaga oo sheegay in ay kalsoonidii kala laabteyn,isla markaana baarlamanka ay ka dalbanayaan in ay Go’aan ka gaaraan.
Xogheyaha gudiga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Senoter Xusen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay u taalo tallaabada ay ka qaadayaan Wasiirka maadaama ay u gudbiyeen cabashadooda,
Wareysi uu siiyay Radio Dalsan ayuu sheegay in dib u eegista lagu sameynayo Dastuurka ay Gudigu leeyihiin balse Wasiirka Dastuurka uusan ku laheyn wax Shaqo ah.
Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa shalay si qabow uga hadlay khilaafka soo kala dhex galay Wasaaradda iyo gudiga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,isaga oo shaaciyay Shaqada Gudiga iyo Shaqada Wasaaradiisa.
Hoos Ka Dhageyso Codka Senotar Xuseen Sheekh Maxamuud.