Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe C/llaahi abuukareey ayaa eedeeymo la xiriira musu-maasuq waxa uu u jeediyay Guddoomiyaha Degmada Mahadaay Axmed Xuseen.
Waxa uu sheegay C/llaahi Abuukareey in mas’uuliyiinta xilalka kala duwan ka heysa degmada ay kasoo wada tageen halkaasi,isla markaana Mahadaay uu ku sugan yahay hadda kaliya Guddoomiye â€Geeldoox†oo fowdo ka wada gudaha degmadaasi sida uu hadalka u dhigay C/llaahi Abuukareey.
Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe C/llaahi abuukareey oo la hadlay dalsan ayaa waxa uu u sheegay in Guddoomiye Axmed Xuseen uu markii labaad musuq-maasuqay Lacag ka timid Wasaaradda maaliyadda Hirshabeelle oo la siinaayay Degmooyinka Hirshabeelle.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu hore ugu tikrofalay lacago lasiin laha dad shacab ah oo ay habaaro saameeyeen,iyadoona Degmada Mahadaay gacanta ay ku hayaan labo wiil oo isaga keensaday,kuwaasi oo wax xil ah aan ka heyn Degmadaasi.
Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay maamulka Degmada Mahadaay,isla markaana loo baahan yahay in lasoo kala dhexgalo.
Hoos ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada Degmada Mahadaay