Saacadahii lasoo dhaafay ayaa waxaa roob uu ka da’ayay degmooyinka gobolka Banaadir,waxana roobkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac iyo in wadooyinka qaar ay kaal xirmaan.
Hal ruux ayaa la sheegay in uu geeriooday mid kalena uu dhaawacmay kadib markii uu kusoo dumay guri ay daganaayeen oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir.
Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Xamarweyne ayaa xaqiijiyey dhimashada halka ruux,waxana sidoo kale uu sheegay in uu jiro bur bur hantiyadeed.
Inta badan Wadooyinka Magalada Muqdisho ayaa waxaa dhex jiifa biyon aad u farabadan,waxa sidoo kale jirta iyo Wadooyinka qaar ee degmooyinka Hoa,Howlwadaag iyo Wartanada uu roobku jray.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Xamarweyne.