Qaraxa ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxana la sheegay in Gaariga uu ku qarxay Koontoroolka ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda ee Siinka-dheer duleedka Muqdisho
Faarax Cabdullaahi Xasan  oo ka tirsan Maamulka degmada Kaxda ayaa sheegay in Gaariga  oo ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa uu ka tegay dhanka Muqdisho,basle markii uu marayay Siinka-dheer Koontoroolka Ciidamada dowladda uu qarxay.
“Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Wadihii Gaariga,waxana sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux oo shacab ah oo wadada marayay iyo mid ka mid ah ciidanka dowladda oo kontoroolka ku sugnaa ayuu yiri Faarax Cabdullaahi Xasan “.
Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu iminka ay tahay mid degan,isla markaana ciidamadu ay dib u fureen isu-socodka dadka iyo Gaadiidka isticmaala Wadadaas ee kala aada Muqdisho iyo Afgoye
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Faarax Cabdullaahi Xasan .