Maamulka Jubbaland ayaa Xasbiga dhigay Ninkaas oo ku labisnaa dareeska Ciidamada Jubbaland kaas oo bartiis Facebook ku aflagaadeeyey mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed.
Ninkaas ayaa waxaa lagu Magacaabaa Mukhtaar Maxamed Badal,waxana taliska Booliska Jubbaland ay sheegeen in ninkasi Ciidamada ay xabsiga dhigeyn,isla markaana tallaabo laga qaadayo.
Taliyaha ciidamada Booliiska Jubbaland Korneel Maxamed Naasir Guuleed oo Saxaafada Shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Jubbaland aysan marnaba ogoleyn in qof Soomaliyeed la aflagaadeeyey.
Waxa uu araligelin u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo reer Jubbaland,isaga oo sheegay in dadka dega deegaanada Jubbaland ay yihiin dad mid ah.
Waxa uu uga digay dad uu sheegay in mararka qaar falkaas oo kale ay ku dhaqaaqaan laakin tallaabo laga qaadi doono.
Mukhtaar Maxamed Badal ayaa muuqaal uu soo duubay waxa uu kaga hadlay dil todobaadkii hore Magalada Qabri Dahare ee dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya loogu geystay gabar u dhaq dhaqaaqeysay xaquuda Gabdhaha oo lagu Magacaabi jiray Teysiir Cumar Foot.
Hoos Ka Dhageyso shirka Jaraa’id ee Taliyaha ciidamada Booliiska Jubbaland.