Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay cabasho ay sheegeen inay mar walba u soo gudbiyaan dadka ku sugan deegaanada ay Maamulaan Al-Shabaab ee Gobolada Maamulka Jubbaland.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cali Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan dadka ku nool deegaanada ay maamulaan,isla markaana ay cabasho soo gaarsiiyeen,sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay in uu Shabaab ka saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Maamulka Jubbaland.
Dhageyso Codka Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland.