Abaan duulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood ayaa marka hore sheegay in Shacabka dega Gobolka Shabeellaha Hoose lagu abuuray in ciidamada xoogga dalka ay yihiin kuwa cadaw ah oo dadka dhiba isla markaana Isbaarooyin dhigta.
Waxa uu sheegay in ay jiraan Shaqsiyad dadka ku shubaya fikirka Al-Shabaab si ay boga bogaando uga abuuraan ciidamada,isla markaana dad ka Shaqeynaya ay yihiin kuwo xiriir la leh Shabaab iyo Shabaab la Shaqeeye.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in degmooyin badan oo ka tirsan Shabeellaah hoose dad lagu dhibaateeyay sida in qaraxyo loo dhigay ciidamada sidaas daraadeedna Shacabka aysan ka hadlin iyaga oo ku bedelay Warar lagu shubay ee ah in ciidamada xoogga ay yihiin dad xun.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Maamulada qaar ay yihiin kuwa ku Shaqeeya fikirada Shabaab isla markaana ay la Shaqeeyaan,isaga oo uga digay Maamulada degmooyinka iyo kan Shabeellaha Hoose la Shaqeynta Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Anan duulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.