Masuuliyiint Jabhadda ONLF, ayaa xaqiijisay in C/ Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka mid ahaa Guddiga fulinta  Jabhadaas  ka dagaalanta ismaamulka Soomaalida Itoobiya dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay dowladda Itoobiya.
Afhayeenka  Ururka ONLF  Cadaani Hirmooge ayaa sheegay in 23 Bishaan lagu qabtay Magaalada Galakacyo,balse Ciidamo ka tirsan Nabad-Sugida Somaaliya ay sixooga ah ay uga soo wateen Maamulka Galmudug.
Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay maalmo ka dib ku wareejisay dowladda Itoobiya tasna ay tahay qayano Qaran oo laga galay Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in C/ Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ay ka mid ahaayeen Saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka Somaaliya, isaga iyo walaalkiisa,balse walaalkiis uu ku baxay Gacanta Ciidamada Itoobiya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka  Uruurka ONLF  Cadaani Hirmooge