Magaalada Jowhar ee caasimada ee maamulka Hirshabeelle maanta waxaa ka dhacay isusoobax roobdoon, xili shalay Muqdisho uu ka dhacay Banaanbax uu hore u Iclaamiyey madaxweyne Farmaajo.
Isku soo baxa maanta ka dhacay Jowhar waxaa soo qaban-qaabiyey maxakamadaha gobolka  iyadoo ay kala qeybgaleen shacabka ku nool magaalada Jowhar, waxaana Alle ay ka baryeen dadkaasi  inuu dhibaata ka dulqaado dadka ku dhibaateysa qeybo ka mid ah Dalka.
Banaanbaxaasi ma aysan ka qeyb galin madaxda Hirshabeelle oo ku sugnaa magaalada Jowhar, waxaana ka qeyb galay oo kaliya  ardayda dhigata Iskuulada magaaladaas iyo shacabka  dagan Jowhar.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.