Isbaarooyin dhowr ah oo la soo dhigay Wadada xiriirisa inta u dhaxeysa deegaanka Ceelasha biyaha iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa shalay sababay iyo Wadadaas ay xiranto Darawaladana ay banaanbax dhigaan.
Cabashadaas ayaa la sheegay in laga bixiyay Jawaab deg deg ah isla markaana la qaaday Ciidamadii Milateriga ahaa ee Isbaraada dhigtay Wadadaas.
Gudoomiyaha deegaanka lafoole Iimaan Muqtaar Nuur Geeseey ayaa sheegay in dalabkii Darawalada Gaadiidka la aqbalay isla markaana dhammaan Ciidamadii Milateriga ahaa la qaaday.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in ciidamadaan ay ahaayeen kuwo hubeysan oo aan amar ka qaadaneyn Maamulka iyo Shacabka intaba sidaas darteedna ay muhiim tahay in y talaabo ka qaadaan taliska ay ka tirsan yihiin.
Waxa kaloo uu sheegay in talaabadaas ay aad u soo dhaweynayaan,waxa uuna Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in aysan markale soo noqon in ciidamada Milateriga ay isbaarooyin soo dhigtaan Wadadaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha deegaanka lafoole.