Howlgalkan ayaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xalay ka sameeyeen Xaafadaha ku teedsan Wadada Warshadaha ee Gobolkan Banaadir qeybta degmada Yaaqshiid.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la arkayay iyaga oo baaritaano ka sameynaya Xaafada Ceysmiska ee degmada Yaaqshiid gaar ahaan inta u Dhaxeysa Carafaad ilaa EX Koontorool Balcad.
Gudoomiyaha Maamulka degmada Yaaqshiid Axmed Geedoow oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid lagu xaqiijinayay dhanka amniga isla markana lagu qabqabtay tiro dhalinyaro ah.
“Howlgalku waxa uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay ciidamada dowladda ayaana sameynayay Guryaha ayaa la baarayay waxana howlgalkaas ku qabanay tiro dad ah oo dhalinyaro u badan kuwaas oo gaaraya ilaa 599 Ruux haddana baaritaano ayaad ku wadnaa ayuu yiri Gudoomiye Axmed Geedoowâ€
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaan weeydiinay Su’aal aheyd maadaama howlgalka laba habeen oo iskuxigta  degmada laga sameeyay in ay jiraan hub lagu soo qabtay ayaa waxa uu ku jawaabay.
“Walahi howlgalka waxyaabihii lagu soo qabtay laamaha amniga inaan la wadaagno ayay ku fiicneyd balse waxaan kuu sheegayaa in uu ahaa mid qorsheysan oo u dhacay sidii loogu talo galay ayuu ku soo gaba gabeeyay hadalkiisa gudoomiyaha degmada Yaaqshiidâ€
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid