Maanta ayaa waxaa Magaalada Muqdisho laga qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka kala dhacay Isgoyska Zoobe iyo Hotelka Naasa Balood 2 ee Magaalada Muqdisho.
Dhaawacyadaan oo loo qaaday dalka Kenya ayaa waxaa bixineysa dhaqaalaha ku baxaya dowladda Imaaraadka Carabta, oo taageera siisa Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Maanta Muqdisho laga qaaday 9,ruux iyo Eheladooda oo ku wehlinaya safarkooda.
Dhanka kale Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur ayaa iyana u mahadcelisay Dowladda Imaaraadka qaadista dhaawacyadan iyada oo ku tilmaamtay in ay doorweyn ka qaadatay xalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codadka qaadista dhaawacyada.