Ciidamada dowladda federaalka Somaaliya ayaa howlgal ka sameeyay Xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir howlgalkaas oo ah mid amniga lagu xaqiijinayo.
Howlgalka ayaa intiisa badan waxa uu ka socdaa Xaafada Siliga Ameerikaanka,waxana siwadjir ah uga qeyb qadanaya Ciidamada Meleteriga iyo kuwa Booliiska Somaaliya oo garab ka helaya kuwa Amisom, kuwaas oo joojiyay isu socodka dadka iyo Gaadiidka Xaafada Siliga.
Weli Saraakiisha ciidamada Dowladda Somaaliya mashaacin waxa xiligaan ku soo beegan howlgalka iyo waxyaabihii ay ku soo qabteen.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo aan la xirirnay ayaa faah faahin ka bixinaya qaabka uu howlgalka u dhacay iyo dadkii lagu qab qabtay.
Hoos Ka Dhageyso Codka