Wararka naga soo gaaray degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay sameynayaan holwgallo kala duwan.
Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii todobaadyadii la soo dhaafay ay Al-Shabaab weeraro ku soo qaadayeen fariisinka Ciidanka dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmadaas.
Gudoomiye ku xigeenka Maamulka degmada Qoryooleey Cabdi Aadan Axmed oo Wareysi siiyay Xafiis Wareedka uu Radio Dalsan ku leeyahay Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ay jiraan dad loo soo qabqabtay falal lidi ku ah dhanka amniga islamarkaana hadii ay wax dembi ah ku waayaan xurriyadooda lasiin doono.
Warbixinta Warkaan waxaa Afgooye ka soo diray Maxamed Xuseen Cusmaan Ma’da.