Dhacdadaan ayaa waxa ay ka dhacday Xaafada Cocacola ee degmada Yaaqshiid Gobolkan Banaadir waxaana la sheegay in Haweeneyda ay maseer Dartiis u gubtay Hooygii ay deganeyd.
Waxyaabaha ugu weyn ee sababay arrintaan ayaa waxaa Dalsan u faah faahiyay Aabaha Dhalay Wiilka qabay Gabadha oo lagu Magacaabo Maxamed Maxamuud,waxa uuna sheegay in mudo Saddex bilood ah kaliya ay wada jogeen isla markana dhowr mar ay Wiilka iyo Gabadha iskhilaafeen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ugu dambeyn xalay arrintooda laga heshiiyay Haweeneeydana loo sheegay in la furayo isla maanta qorshuhuna ahaa in ay reerkeeda yimaadaan si loo furo balse falkaan ay ku dhaqaaqday.
Saddex qol oo ka mid ah Hoygii ay ku noolaayeen ayuu sheegay in ay Haweeneydan Gubtay isla markaana dhammaan ay basbeeleen saddexdii qol hal qol oo ahaa midkii afaraad uu badbaaday.
Dhacdooyinka ka yimaada maseerka ayaa ah kuwa mararka qaar dhaca basle waxaa aad u yar in qofka maseera uu dhibaato u geysto naftiisa iyo mida dadka kale intaba.
Hoos Ka Dhageyso Codka Aabaha Dhalay Wiilka qabay Gabadha oo lagu Magacaabo Maxamed Maxamuud kana Daawo Sawirada Dabka.