Dhacdadaan ayaa ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir kadib markii Haweeneyda dhashay Wadada laga xirtay taas oo Isbitaalka weysay halkii ay u mari laheyd.
Ambiyo Cumar oo waday Maamada Wadada ku umashay ayaa Wareysi ay siisay Radio Dalsan waxa ay sheegtay in xili ay isbitaalka u waday ay ciidamada dowladda Soomaaliya u diideen  in ay Wadada marto ayan ka xirteen taas oo sababtay in ay Wadada ku dhashay.
Sidoo kale wax ay sheegtay in ugu dambeyn ay sinabad ah ku dhashay iyada iyo cunugeedana caafimaadkooda uu yahay mid wanagsan.
Arrintan ayaa waxa si aad ah ula yaabay dadka ku nool degmada Kaaraan oo ilaa iyo Caawa ay hadal hayaan.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Ambiyo Cumar